SUDAN: Cumar Al Bashiir oo lagu soo oogay dacwad Inqilaabkii uu dalka ku qabsaday

Published: July 21, 2020

Madaxweynihii hore ee Sudan Gen.Cumar Al Bashir oo xukunka laga tuuray sanadkii lasoo dhaafay ayaa markale maxkamada lasoo taagayaa maanta, dacwadan ayaa ah mid la xariirta danbiyadii uu ka galay Dastuurka dalkaasi kadib inqilaabkii uu wadanka ku qabsaday sanadkii 1989kii.

Dacwadan ayaa ah mid ay soo diyaariyeen Qareenada dalkaasi oo sheegay inay doonayaan in ay ku difaacaan dastuurka si looga hortago inqilaab militari oo markale dalkaasi lagu qabsado.

Waxaa maxkamada lala saarayaa Cumar, Madaxweyne Kuxigeenkiisii hore Cali Cismaan, qaar kamid ah Wasiiradiisii iyo waliba Guddoomiyayaasha gobalada ee ka qeyb qaatay inqilaabkii militari oo ay wadanka Sudan ku qabsadeen 30kii June 1989kii.

Cumar Al Bashir ayaa hada xabsi ku jira ayaa horey loogu xukumay arrimo la xariira musuq maasuq iyo dhac hanti Qaran, balse hadii dacwadan jabinta Dastuurka lagu helo wuxuu muteysan karaa xukunka Dil ah sida uu qorayo sharciga dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *