Goodax Barre oo Sheegay inay Dad u Qabqabteen Muuqaal Baraha Bulshada Lagu Faafiyay

Published: July 22, 2020

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda uu ku arkay muuqaal uu ku sheegay inuu been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo khal-khal-geliyo imtixaanka Qaranka ee dugsiga Sare,

Wuxuu sheegay in ujeedada muuqaalkaas laga laha auu in lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Wasiirka wuxuu sheegay in la soo qabqabtay qaar ka mid ah dadkii muuqaalada faafinayay, qaar kalena lagu dabajiro, balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay si adag ula xisaabtami doonaan dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan,waxaana uu ka codsaday dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay niyad jebiyaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay Muuqaal muujinayay arday u qishaysa imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare iyadoo ayan la joogin kormeerayaashii ama ilaaliyayaashii imtixaanka.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la soo geba-gabeeyo Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare,kaas oo soo billaawday 18-kii bishaan,waxaana Imtixaanka sanadkaan laga galay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaannada Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Jubbaland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *