Guusha Taariikhiga ah ee Puntland ka gaartay Waxbarashada E-learning

Published: July 22, 2020

Puntland oo kaashaneysa hay’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa hirgeliyey barnaamijka waxbarashada ee ardayda iyagoo guryahooda jooga ku qaadanaya casharada xili adduunka la tacaalayo cudurka Covid19 oo khasbay in la xiro iskuulada.

Mashruucan ayaa ahaa mid u suurto geliyey in sanadkan ardayda ay xiligii loogu talo galay dhameystaan casharadooda una fariistaan imtixaanada.

Farsamadan cusub ayaa ah middii ugu horey oo Afrika laga hirgeliyo taasi oo ah mid taariikhi ah iyo guul usoo hooyatay Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ada Unicef.

Waxaa mashruucan ka qeyb qaadanayey shirkada Microsoft iyo Jaamacada [University of Cambridge].

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane, Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in Puntland tahay ciddii ugu horeysey qaaradda Africa ee adeegsata hannaankan cusub ee Learning Passport. Wasiir Cabdullahi ayaa yiri:

“…Aradaydu waxay fursad u helayaan in ay helaan casharro tayo sare leh oo u dhigma ama la heer ah manhajka iyo muqarrarka dalka, taasoo looga gol leeyahay in waxbarashada caruurta Puntland aysan u garbo-duubnaan dhibaatada cudurka Covid-19 ee xirista dugsiyada…”

Mashruucan ayaa u fududeeyey in ka badan 11.000 arday inay si toos ah internetka uga bartaan 600 casharada fasalada kala duwan. Waxaan hada socda casharo dheeraad ah oo lagu darayo fasalada dhiman.

Marxaladdaan bilowga ah ee hannaanka LP waxuu in ka badan 11,000 oo arday, oo ku dhawaad kala-bar gabdho yihiin, fursad u siiyay in ay casharrada fasallada 8aad iyo 12aad oo ka kooban 30 maaddo iyo saddex luqadood oo muuqaal ah ku qaataan kombuyuutar ama moobeyl.

Waxaa gacanta lagu hayaa diyaarinta duubista casharrada dhammaan fasallada ka dhiman dugsiyada hoose iyo sare kuwaas oo markii la dhameeyo la soo galin doono LP si ay ardaydu wax ugu bartaan hannaankaan casriga ah ee ka hanaqaaday Puntland.

Macallimiintu waxay awood u yeelanayaan in ay la socdaan waxbarashada ardayda si ay u qiimeeyaan horumarkooda. Sidoo kale, waxaa ayana awood u yeelan doona la socoshada waxbarashada ubadka waaliddiinta oo heli doona fursad ay ku saacidaan ubadkooda. Hannaanka LP waxa uu gacan weyn ka gaysan doonaa sare u qaadista miraha waxbarashada.

“Learning Passport waa isbaddal sameeye dhab ah markii ay timaaddo waxbarashada meeldheer laga la socdo,”…xilliyada ay jiraan xaaladaha deg degga ah sida tan oo kale, waa muhiim in ubadku sii wataan waxbarashadooda si ay u dareemaan xasillooni iyo kalsooni.

Haddii COVID-19 uu sababay in la xiro iskuulladii, ma ahan in waxbarashadu gabi ahaanba istaago. Waa in aan ka faa’iidaysannaa teknoolojiyadda si ay ubadku u sii wataan waxbarashadooda.” sidaas waxaa tiri Phuong T. Nguyen oo madaxa qaybta waxbarashada Soomaaliya ee hay’adda UNICEF Somalia.

Warsaxaafadeed kasoo baxay UNICEF ayaa Wasaarada Waxbarashada Puntland loogu hambalyey inay noqotay, Wasaaradii ugu horeysay ee AFRIKA ee hirgelisa mashruucan.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeed Unicef

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Ilaa goorma ayaad adoo saxafi ah aad hadna runta qarin doonta nidaamkan J.Somaliland baa hirgelisay io toos qaramada midoobayna ugu hanbalyaysay e guusha walalkaa hadaad qariso ogow taadaa ka qarin doonaa boowe.

      1. Hambalyo wasaarada waxbarashada puntland heerka sare aad gaarteen waxbarashada caruurta puntland waxaan ilaaheey ka baryey in uu ka qabto wasiirka waxbarashada soomaaliya ee aan oholeeyn ardeyda puntland qaataan shahaadooda asagoon wax qarash ah gelin ardeyda puntland ardeyda puntland ka heer sareeyso ardeyda oo aysan isku imtixaan noqon karin haloo go dacwoodo unicef si ay ula socodsiiyaan aduunka intiisa kale in soomaaliya ay hortaagan tahay waxbarashada ardeyda puntland .