Itoobiya, Masar iyo Sudan oo ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadalkooda

Published: July 22, 2020

Kulan dhinaca Internetka ah oo ay shalay gelinkii danbe yeesheen sadexda hogaamiye ee dalalkan isku heysta biyaha webiga Nile ayaa la sheegay in ay isku “afgarteen” in ay sii wadaan wadahadalkooda si heshiis dhameystiran looga gaaro xiisada ka taagan Biyo-xireenka Itoobiya dhistay.

Xiisada u dhaxeysa dalalkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaaneysay xili ay Xukuumada Addis Ababa ay sheegtay inay bilowday inay biyaha wabiga ku kaydiso Biyo-xireenka ay dhisatay, arrintan oo ahayd mid aan xiligan lagu heshiin.

Muuqaalo dhinaca Satellite-ka ah ayaa muujinaya in biyaha ay  buuxiyeen biyo-xireenka oo dhismihiisa heer gebo-gebo ah maraya, Itoobiya ayaa ku  bixisay lacag ka badan $4.6 bilyan dhismahan oo ay sheegtay inuu wax weyn ka qaban doono baahida dhinaca korontada iyo tamarta ay Itoobiya dooneyso inay u iibgeyso dalalka jaarka la ah.

Hase-yeeshee Masar iyo Sudan ayaa sheegay in hadii Itoobiya biyaha ku kaydsato  biyo-xireenka ay hoos u dhac ku keeni doonto biyaha wabiga oo ay ku nool-yihiin shacabkooda, taasi oo ah khatar si toos ah u taabaneysa amnigooda iyo noloshooda.

Kulankii shalay ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dhinaca Itoobiya ayaa lagu sheegay in sadexda dal ay wada dhisi doonaan guddiyadii ka shaqeyn lahaa in heshiis dhameystiran la gaaro.

Dhinaca Masar ayaa afhayeen u hadlay Madaxtooyada sheegay in Madaxweynahooda Cabdulfatax Al Sisi ay ka go’antahay in lasii wado wadahadalka.

Halka Afhayeenka Sudan uu hadalka kusoo koobay in sadexda wadan isku raaceen in la dhameystiro wada-xaajoodka ku aadan xal u helida arrinta biyo-xireenka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *