Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo gurmado shacabka Afgooye

Published: July 22, 2020

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay fatahaada wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado dadka barakaca iyo waxyeelada kasoo gaartay musiibadan.

Qoraal ay baahisay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ka walwalsan-yahay nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele, isagoo ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan.

“…Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii…” ayuu yiri Madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *