Nuxurka War murtiyeedka caawa laga soo saarayo Dhuusamareeb

Published: July 22, 2020

Kadib shan maalmood oo wada hadal ah, iyada oo uu furman waayey shirka guud ee lahaa borotkoolka, oo wada hadalku ahaa mid goos goos ah una dhexeeyey Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada ayaa ugu danbeyn caawa laga soo saarayaa War muriyeed.

Sida Horseed media ogaatey war murtiyeedka ayaa ka kooban.

  • In mabda ahaan lagu heshiiyey in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, wax muddo kordhin ahna aan loo sameyn Dowladda.
  • In la magacaabo guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya nooca doorasho ee la qaadan doono iyo dhabbaha loo marayo.
  • In Shir danbe la isugu yimaado.

Waxaa laga dheereeyey war murtiyedka in lagu qeexo nooca doorasho ee la qaadan doono, waana halka khilaafka ugu weyn uu ka taagnaa, isla markaana uu ku sigtey shirka lagu kala dareero, Madaxweyhne farmaajo ayaa si weyn arrintan ugu dheganaa, waxaana la is weydiinayaa maalmaha soo socda isbeedalada dhici doona, gaar ahaan marka laga hadlaayo Golaha Shacabka oo aan qayb ka ahayn shirkan hamuuna u qaba muddo kororsi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *