Heshiiskii Dhuusamareeb 2 oo la horgeynayo Baarlamaanka

Published: July 23, 2020

Habeenkii xalay waxaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyadu ay saxiixeen heshiis ka kooban dhawr qodob oo ay ugu muhim saneyd:

  • In Doorashada dalku xiligeeda ku dhacdo, oo aysan jirin wax muddo kororsi ah
  • Inla dhiso guddi farsamo oo ka soo shaqeeya nooca doorasho ee dalku gelayo

Khudbadihii laga jeediyey akhrinta War-murtiyeedka kadib, ayaa caddeeyey in Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu dhinac ka yahay khilaafka soo jiitamaayey isla markaana ay doonayaan muddo kororsi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ayaa sheegay in uu talo ula noqonayo Baarlamaanka isla markana horgeynayo heshiiskan.

Wararku waxay sheegayaan in isla todobaadkan Baarlamaanku ka doodi doono heshiiska Dhusamareeb 2.

Horseed Media oo la hadashey mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaano badan ay ka soo horjeedaan in la dhiso guddi farsamo oo ka madaxbanaan Baarlamaanka, Isaga oo Horseed kula hadley in aan magiciisa la daabicin ayuu sheegay in Xildhibaanadu ay ka kala yimaadeen dhamaan Dowlad goboleedyada ayna ku filan yihiin.

Xildhibaanadu sharci ayey sameeyaan waana dejiyeen sharcigii dalka doorasho uu ku geli lahaa, laakiin Xukuumadda ayaa fulinta iska leh sidaas darteed, heshiis sharci darro ku dhisan, ma ahan wax noo yaala ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhbaanka ayaa Horseed u sheegay in haddiiba ay dhacdo in la qaato doorasho aan xisbiyo lagu gelin ay noqon doonto mid ka duwan doorashadii 2016, oo Dowlad gobloleedyada awoodeedu noqon doonto in ay sugaan amniga meelaha u baahan, laakiin uu jiri doono hal guddi doorasho ee Dowladda federaalku soo dhisto, si kaduwan 2016.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *