Malaysia oo sharci kusoo rogtay Duubista Muuqaalada oo ay ku jiraan kuwa Baraha Bulshada

Published: July 23, 2020

Qeylo-dhaan xoogan ayaa kasoo baxaysa shacabka Malaysia kadib markii dowladaasi ay soo rogtay in qofkii duubaya filim laga rabo inuu heysto Shati, xataa haduu filimkaasi ku baahinayo Baraha Bulshada ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Warfaafinta Malaysia Saifuddin Abdulla ayaa xili uu ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyeen xildhibaanada sheegay in sharcigan oo markii hore lasoo saaray sanadkii 1981kii uu qeexayo in qof walba oo filim duubayo haduu ka socdo Warbaahin ama qof si gaar ah ugu baahinaya Baraha Bulshada laga rabo marka hore inuu heysto Shatiga Dowlada Bixiso.

Arrintan ayaa keentay in shacabka dalkaasi si adag u cambaareeyaan go’aanka Wasaarada.

Waxay xiisadan kusoo beegmaysaa xili dowlada Malaysia ay waji gabax kala kulantay Barnaamij Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey cadaadiska dowladaasi saartay shaqaalaha dan yarta ah ee ajnabiga ah ee wadankaasi ka shaqeeya iyo kuwa qaxootiga ah xili uu socdo la dagaalanka cudurka Covid19.

Wasiir Saifuddin oo weerar ku ah telefishinka Aljazeera gaar ahaan Barnaamijka 101 East ayaa ku dooday in aysan heysan wax shati ah xiligii ay duubeen barnaamijkaasi ay dowlada Malaysia dhibsatay.

Balse Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay barnaamijka 101 East uu yahay barnaamij war ah oo todobaad walba baxa oo uusan ahayn Filim.

Xildhibaanada Malaysia ayaa maanta oo Khamiis ah Wasiirka Warfaafinta su’aalo ka weydiiyey sharcigan bal inuu qeexo cida shatiga u baahan.

Wasiirka ayaa su’aalaha la weydiiyey waxaa kamid ahaa;

“…Yaa u baahan Shati inuu heysto, maku jiraan dadka duubanaya Tiktok iyo Instagram?…”

Wasiirka ayaa ku jawaabay in sharcigan uu qabanayo dhamaan filimaanta oo dhan qaabkii ay doonaan ha noqdaanee mar hadii loogu talo galay inay dadweynaha daawadaan!

Taasi oo micnaheedu yahay hadaa filim ku baahineysid xataa Facebook, Tiktok ama Youtube, waxaa lagaa rabaa inaad shati heysato.

Hadaba qiimo intee la eg baad ku gadan kartaa Shatiga?

Qiimaha halkii Shati wuxuu ku kacayaa 50.000 MYR oo u dhiganta $11,725 dollar!

Jawaabtan ayaa keentay in shacabka dalkaasi ay si adag u cambaareeyeen Wasiirka iyagoo fariimahooda usii mariyey baraha bulshada.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *