Maraykanka oo amray in la xiro Qunsuliyada China ku leedahay Houston!

Published: July 23, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay inay siiyeen dowlada China 72 saac oo ay ku xiraan Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay magaalada Houston ee gobalka Texas.

Faah faahin lagama bixin sababta Maraykanka tilaabadan u qaaday, wuxuuna go’aankan dab kusii shidayaa xiriirka labada dal ee bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayey.

Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay Houston ayaa kamid ah 5 qunsuliyadood oo uu dalkaasi ku leeyahay wadanka Maraykanka, waxaana la furay sanadkii 1979kii.

Afhayeenka Dowlada China ayaa la yaab ku tilmaamay go’aankan deg degta ah ee la dul dhigay Qunsuliyadooda Houston, wuxuuna Maraykanka ugu baaqay inay ka noqdaan amarkan, hadii kale ay iyaguna qaadi doonaan tilaabooyin ay ugu jawaabayaan Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa isaguna 5 Qunsuliyadood ku leh dhulweynaha China, waxayna ku kala yaalaan magaalooyinka; Shanghai, Guangzhou, Chengdu, Wuhan iyo Shenyang.

Jaraa’idka ku hadla afka dowlada China ayaa saaka oo Khamiis ah qoraya in go’aanka Maraykanka uu Donald Trump uga danleeyahay inuu abuuro xiisad cusub oo uu kusii jeediyo indhaha shacabka Maraykanka, xili ay soo dhawdahay doorashada Maraykanka.

Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday olole uu dowlada China ku eedeenayo cudurka Covid19 oo xiligan khasaaro badan ka geystay gudaha Maraykanka oo ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee cudurkan dilo.  Sidoo kale Maraykanka iyo China ayaa isku khilaafay arrimaha raafka shiinaha uu ku wado Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang iyo xiisada ka taagan magaalada Hong Kong.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *