China oo xirtay Qunsliyad Maraykanka dalkooda ku lahaa

Published: July 24, 2020

Dowlada China ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqday in la xiri doono mid kamid ah Qunsuliyadaha uu Maraykanka dalkooda ku leeyahay, go’aankan oo daba socda amarkii Madaxweynaha Maraykanka ee lagu xiray Qunsuliyada Shiinaha ku lahaa magaalada Houston ee gobalka Texas.

Qunsuliyada Maraykanka ku lahaa magaalada Chengdu ee koonfur-galbeed dalka Shiinaha ayaa la amray in si deg deg ah loo xiro, xukuumada Shiinaha ayaa go’aankan ku sheegtay jawaab daba-socota xiritaankii qunusliyadooda Houston.

Dowlada Maraykanka ayaa ku eedaysay Saraakiisha ka shaqeeya Qunsuliyada Shiinaha ee magaalada Houston inay faraha kula jireen arrimaha la xariira basaasnimo iyo xatooyada sirta shirkadaha waaweyn ee dalka Maraykanka.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada China, Wang Wenbin ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Washington uu yahay aflagaado isla markaana ay dhankooda bixinayaa jawaab u dhiganta tilaabadii ay qaadeen Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa 5 Qunsuliyadood ku leh dhulweynaha China, waxayna ku kala yaalaan magaalooyinka; Shanghai, Guangzhou, Chengdu, Wuhan iyo Shenyang.

Jaraa’idka ku hadla afka dowlada China ayaa saaka oo Khamiis ah qoraya in go’aanka Maraykanka uu Donald Trump uga danleeyahay inuu abuuro xiisad cusub oo uu kusii jeediyo indhaha shacabka Maraykanka, xili ay soo dhawdahay doorashada Maraykanka.

Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday olole uu dowlada China ku eedeenayo cudurka Covid19 oo xiligan khasaaro badan ka geystay gudaha Maraykanka oo ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee cudurkan dilo.

Sidoo kale Maraykanka iyo China ayaa isku khilaafay arrimaha raafka shiinaha uu ku wado Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang iyo xiisada ka taagan magaalada Hong Kong.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *