Dhuusamreeb: Gacmo Geeljire hoos baa loo dhaqaa, Runtii maxaa lagu heshiiyey?

Shirka Dhuusamreeb

Arabacadii waxaa soo dhamaadey wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo qaatey muddo lix maalmood ah in gorodda la iskula jirey, shirar gooni gooni ah iyo kuwo ay u dhan yihiin, Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rayslwasaare Xassan Cali Kheyre iyo dhammaan madaxda shanta Dowlad goboleed.

Fiidnimadii Arbacada ayey hor yimaadaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo laga daawanayo qaarado kala duwa. Borotokoolku waxa uu ahaa mid si uun uga duwan kuwii hore, Madaxweyanayaasha Dowald goboleedyada iyo weliba Raysalwasaaruhu waxay dhex faristeen dadweynaha, Madaxweynaha oo calankii Jamhuuriyaddu dhinac yaalo keliya ayaa loo baneeyey qaybta kale.

Jadwal horey loo sii dejiyey ayaa lagu socdey oo ah in Madaxweynuhu hadalka ugu danbeeya lee yahay, Raysalwasaaruhuna ku soo dhaweynaayo, madaxda Dowald goboleedyaduna ay ka horreynayaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo muddo 14 bilood ah ay is rifayeen Dowaldda federaalka ah, dagaalo toos ah lala galey ciidankiisa, qaar kamid ah wasiiradiisa xabsiga loo direy, ugu danbeyna cadaadis dheer kadib isagii loo aqoonsadey in uuba kumeel-gaar uu yahay si lamid ah shirkii Adis Ababa ee Dowalddii Xassan Sheekh uu kula heshiiyey ayaa shirka fadhiya oo haddana loo aqoonsan yahay kumeel-gaar.

Puntland oo muddo 12 bilood ah sheegaysey in Dowladda Federaalka ah ay ku tumatey dhamaan shuruucdii dalka ee federaalka oo Article 4 ee dastuurkeeda ku hanjabta in ay hirgelin doonto oo taaban doonto, ayaa shirka fadhida.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa shirka fadhiya oo muddo xileedkiisi soo dhaw yahay, ballamo badana looga baxay, kadib markii uu isaga baxay Iskaashigii Dowald goboleedyada.

Koonfur galbeed iyadu waxay ciyaareysey kubbad qabow, laakiin horey mowqifkoodu waa cadda, mase jirin xasaasiyad weyn.

Galmudug oo cusub, kuna tiirsan taageerada Dowladda Federaalka ah, laakiin aan sinaba loo dhayalsan karin awoodda siyaasadeed iyo sooyaalkooda iyaga marti ayaa loo ahaa.

War murtiyeedkii laga akhriyey shirka ayaan ahayn mid ka duwan intii horey dhinac kasta u sheegay, marka laga yimaado Dowald goboleedyada oo sheegay in lagu fashilmey waxyaabihii ka horreeyey in la qabto doorasho qof iyo cod ah, meesha u weyn ee war murtiyeedka laga eegaayey ayaa ahaa doorashada la qaban doono caynkeeda iyo in la isla qiro in aan wakhtiga harey lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah oo ah, waxaase la isla qirey in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, sida ay u ekeaaneyso farsamo ahaana guddi loo saaro.

Dadka ka faaloodey arrimahan ayaa isku raacey in aan la is waafajin karin doorashadu haku qabsoonto wakhtigeeda iyo doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteed la is weydiinayo xaqiiqdii waxa lagu heshiiyey.

Dowlad goboleedka Puntland oo ugu guunsan dowalad goboleedyada ayaa muddo hoggaaminaayey codka ugu dheer ee diidan in ay dhacdo muddo kororsi, kana soo horjeedey sharciyada Baarlamaanku sameeyey ee aan wada tashiga la gelin. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad ka duwan kuwiisi hore oo debecsanaan badan ka muuqato ka jeediyey Dhuusamareeb habeenkii Arbacada, waxa uu hoosta ka xariiqey in iyaga iyo Dowaldda Federaalku loo kala sheekeeyey, laakiin markii ay is arkeen waxkasta isbeddeleen, wuxuu kale oo sheegay in dulqaadka iyo odaynimada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaalka dartiis halkaan lagu fadhiyo laguna soo gaarey!.

Marka la eego sooyaalka siyaasadeed ee dalka, marka la akhriyo khudbadii debecsaneyd ee Madaxweyne Deni waxaa shaki weyn laga qabaa in uu jiro heshiis si hoos loo gaarey lana isku qanciyey, kaas oo lagu badbaadinaayo wejiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaan sinaba suurta gal u ahayn 6 maalmood oo wada hadal hoose ah in aanu jirin dhiil iyo heshiis hoose oo aan warqadaha lagu qorin. Haddiise ay arrintu taas ka duwanaanto oo maalmaha soo socda la arko Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Farmaajo oo geeddiga dhinac kale la aadey, Buntlandina qaylo ka soo yeerto, Madaxweyne Deni waxa uu noqonayaa Madaxweynahii ugu xumaa ee heshiis gala abid ee soo mara Puntland, waxaana uu ku gawracan yahay in hadalkiisi amaanta iyo niyad wanaaga ahaa ku adkeysto.

Muxuu noqon karaa heshiiska la galay?

Heshiiska hoos loo gaarey ee aan warqadaha lagu qorin ayaa noqon kara in la isla qirey in doorasho qof iyo cod ah ay tahay waxa ugu wanaagsan ee doorasho lagu galo ayse u baahan tahay wakhti iyo in wax laga beddelo sharciga dhigaaya 4.5 in dalku ku sii jiro. Taas beddelkeed in la qaato nooc kale oo doorasho una dhaw tii 2016, lana siiyo Dowaldda wakhti ku habboon oo farsamo ahaan lagu qabto. Heshiiska Madaxweynaha Jamhuuriyaddu arrintaas ku bedalanayo ayaa ah in doorashadaas ay Dowaldda federaalku maamusho oo ay tahay heer federaal oo aysan ahayn heer Dowald goboleed. Arrinta kale ee Dowaldda federaalku ka fekereyso beesha caalamkuna taageeri karto ayaa ah in la qaato Doorasho lamid ah tii Somaliland ka dhacdey 2003 iyo 2005 oo dadka lagu diiwaangeliyo isla goobta codbixinta, ayna ka dhacdo ugu yaraan 70 degmo, noocan doorasho waxaa sheegtey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, waxayna baarlamaanka ka codsatey in ay ku hirgelin karto muddo 8 bilood ah oo ka bilaameysa bisha Agoosto.

Maalmaha soo socda waxay caddeyn doonaan wixii Dhuusamareeb lagu gaarey waxay ahaaayeen, waxaa la sugayaa sida Golaha Shacabka iyo Madaxweynhu u waajahaan wixii ka soo baxay Dhusamareeb, sidoo kale waxa la sugayaa sida loo dhiso guddiga farsamo ee ka shaqeyn lahaa nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Maxamed Cismaan
Horseed Media