MALI: Askari Faransiis ah oo weerar lagu dilay

Published: July 24, 2020

Dowlada Faransiiska ayaa Khamiistii gelinkii danbe xaqiijisay in ugu yaraan hal askari oo kamid ah ciidamadooda lagu dilay weerar qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadooda ku sugan wadanka Mali.

Faransiiska ayey ka joogaan ciidamo gaaraya 5000 askari gobalka Sahel ee Galbeedka Afrika, ciidamadan oo qeyb ka ah la dagaalanka kooxaha Islaamiga ah ee hubeysan oo horey u heysan jiray Waqooyiga wadanka Mali.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ciidamada Komaandooska dalaayadaha-ku-booda ee loo yaqaan (Hussar Regiment).

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili ay caasimada Mali ee Bamako ku sugan  yihiin 5 Madaxweyne ee dalalka Galbeedka Afrika oo doonaya inay xaliyaan xiisada ka dhex taagan Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita iyo xisbiyada Mucaaridka ah.

Madaxweynayaasha dalalka Senegal, Ivory Coast, Ghana, Nigeria iyo Niger ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanaya Madaxweynaha Mali iyo xoogaga Mucaaridka oo codsanaya inuu xilka iska casilo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *