Muqdisho Oo Laga Xusayo Qarixii Sanad Ka Hor Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

Published: July 24, 2020
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray Qarixii 24 July

Maanta oo jimco ah ayaa waxaa muqdisho ka soconaya munaasabad lagu xusayo,isla markaana loogu duceynaayo madaxdii Gobolka Banaadir oo. uu ka mid ah guddoomiyihii hore C/raxmaan yariisow ee waxku noqday qaraxii lala beegsaday xarunta dowladda Hoose.

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa magacaabay guddi diyaariya munaasabaddaasi lagu xusayo ,looguna duceynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Banaadir ahaane duqii Caasimada Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo dhowr iyo toban qof.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Salaax Cumar oo ka mid ah guddiga diyaarinayo munaasabadaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay uduceeyaan marxuumiintii ku shahiiday Gobolka Banaadir waxaana sidoo kale uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliya looga baahanyahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shaab.

Weerarkii  sanadka ka hor ka dhacay aqalka dowladda Hoose waxaa ku dhinta sedex Guddoomiye Degmo,labo lataliye sare ,hal agaasime guud ,sedex agaasime waxed waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan 12 ruux .

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *