Trump oo baajiyey Shirweynaha xisbi xaakimka Jamhuuriga

Published: July 24, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiiyey shirweynihii uu yeelan lahaa xisbigiisa Jamhuuriga oo lagu waday in lagu qabto Florida State, xili gobalkaasi ay kusii badanayaan dadka uu ku dhacay cudurka Covid19.

Shirweynaha Jamhuuriga ee ka dhicilahaa Flordia ayaa lagu shaacin lahaa murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi doorashada November, walow Trump uu yahay Madaxweynaha xilka haya ee markale u tartami doona Aqalka Cad.

Tirada dadka Maraykanka ah ee uu ku dhacay cudurka Covid19 ayaa Khamiistii shalay la sheegay inay kor u dhaaftay 4 milyan oo qof.

Ismaamulka Flordia State ayaa kamid ah gobalada ay maamulaan xisbi Xaakimka Jamhuuriga ee uu corona-virus faraha-ba’an ku hayo.

Shirweynaha Jamhuuriga oo la qorsheeyey inuu dhaco bisha Agoosto ayaa horey looga soo wareejiyey gobalka North Carolina, gobalkaasi oo mamnuucay xafladaha iyo isku-imaatinka dadweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *