Boqorka Sacuudiga Salmaan Oo Qaliin Lagu Sameeyay

Published: July 25, 2020

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in lagu guulaystay Qaliin lagu sameeyay Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Abdulaziz kadib markii la dhigay cusbitaal toddabaadkii hore

Wakaalada wararka Sucuudiga ayaa sheegtay in Dhakhaatiirta Cusbitaalka Boqor Faysal ay qaliin ku sameeyay boqorka oo laga saaray Xubinta Xameetiga, wakaaladu waxay sheegtay in Caafimaadka Boqorku uu wanaagsan yahay, islamarkaana uu u mahadceliyay dhakhaatiirta Qaliinka ku sameeyay.

Boqorka ayaa ku sii sugnaan doona Cusbitaalka si loo baxnaaniyo islamarkaana loola socda caafimaadkiisa.

Boqor Salmaan oo 84 jir ah ayaa xukunka qabtay sanadkii 2015, wuxuuna dhaxal-sugaha u magacaabay wiilkiisa Maxamed bin Salmaan oo isagu hada ah ninka wada hawlaha muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *