Farmaajo Oo Ogolaaday Kalsooni Kala Noqoshadii Khayre

Published: July 25, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ogolaaday go’aanka ay xildhibaannada golaha shacabka codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre.

War qoraal ah oo ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan lagu jiro, isla markaana isagoo gudanaya waajibkiisa, tixgelinayana awoodda dastuuriga ah ee golaha shacabka, ayuu aqbalay go’aanka golaha shacabka.

“ Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey raisul wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn madaxweyne Farmaajo ayaa si degdeg ah usoo magacaabaya raisul wasaare soo dhisa xukuumad cusub, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *