Jubbaland Iyo Hirshabeelle Oo Magacaabay Xubnahooda Guddiga Farsamo

Published: July 25, 2020

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee dhowaan lagaga dhawaaqay shirkii dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb 2.

Xubnaha Hirshabeelle:

  • 1- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle
  • 2.Madaxa Xafiiska Amniga Maamulka Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran
Xubnaha Hirshabeelle

Xubnaha Jubbaland:

  • 1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.
  • 2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.
Xubnaha Jubbaland

Sidoo kale Puntland ayaa horey u magacaabatay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee diyaarinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *