Kheyre Ma isu Difaaci Doonaa SIdii Cumar Cabdirashiid 2010?

Published: July 25, 2020

Bishii Maajo 2010 waxaa baarlamaankii Federaalka ku jirey khilaaf iyo guux ah in xilka laga qaadayo guddoomiyihii markaas Sheekh Adan Madoobe. Shariif Xassan Sheekh Adam oo soo abaabuley xildhibaano badan si uu kursiga ugu soo laabto ayaa waxaa dhanka kale ugu rogey Aadan madoobe oo fadhi buuq badan ka dhashey kadib sheegay in Xukuumaddii la ridey Madaxweynahahana laga doonaayo in uu soo dhiso Xukuumad cusub.

Marka la eego sheegashada Aadan Madoobe, ma jirin Mooshin xukuumadda laga keenay, ma jirin dood laga yeeshay riditaankeeda, mana jirin khilaaf weyn oo banaanka u soo baxay.

Kadib markii Aadan madoobe ku dhawaaqey in kalsoonida lagala laabtey Cumar Cabdirashiid iyo xukuumadiisi, waxaa si degdeg ah u soo dhaweeyey Madaxweyne Sheekh Shariif oo malaha isaga oo aan la ogeyn qaati ka taagnaa Cumar Cabdirashiid, waxaana uu sheegay in uu soo magacaabayo raysalwasaare cusub.

Sidoo kale waxaa soo dhaweeyey Eragaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee xiligaas Axmed Ould Cabdalla.

Cumar Cabdirashiid ayaa si weyn isaga difaacey ku tumashada sharciga, waxaana uu sheegay in cidda la ridiey ay tahay Aadan madoobe oo sharciga ku tuntey, waxaa arrintaas ku taageeray Xildhibaano badan oo caddeeyey in aan ajandaha aysan ku jirin, wax cod ahna aan la qaadin xukuumadda.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu ka noqdey go’aankiisi, waxaana ugu danbeyn is casiley Aadan Madoobe.

Haddaba marka la eego muuqalada laga soo duubey kulankii maanta ee kalsoonida lagala laabtey raysalwasaare Kheyre waxa uu ahaa mid fawdo ah, ma jirin Mooshin horey loo shaaciyey haddii aanu sir ahayn iyo cidda saxiixdey, ma jirin wax dood ah oo ka dhacdey mooshinka oo xildhibaanadu ay yeesheen, sidoo kale waxaa muuqatey in codeyntaba aan la tirin ee ay isku xigeen hala codeeyo, hala tiriyo iyo Xukuumaddii waa dhacdey.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo ka baxay mid kamid ah ballanqaadyadiisi ugu danbeeyey ayaa ka duwan Madaxweynayaashii uu ku eedeyn jirey cayrinta Raysalwasaarayaasha, waxaana ay ku qaaddatey in raysalwasaarihiisi uu cayriyo isla maalin-gelinkeed, halka Xassan Sheekh ay ku qaadan jirtey bilo, waxa taas ka siidaran in uu noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee raysalwasaarihiisa cayriya isaga oo muddo xileedkiisa ay ka hasran tahay 6 bilood oo keliya.

Waxaa hubaal ah in Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu waayey saaxiibo badan oo golihiisa wasiirada kamid ah, kuwo fadhiyey goobta codeynta, kuwo wejiga qarsadey oo aan ka soo qaybgelin fadhiga.

Haddaba marka la eego qaabka codeyntu u dhacdey, waxaa raysalwasaaruhu xaq u lee yahay in uu is difaaco eedaymaha loo jeedinaayo iska difaaco, sidoo kale waxa uu xaq u lee yahay in muqaalka duuban iyo qaabka ay u dhacdey kalsooni kala noqoshadu uu ahaa mid fawdo ah taas darteedna dib loogu noqdo Mooshinka, haddaba ma is difaaci doonaa mise waxa uu wareejin doonaa xilka?.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment