Kheyre: “Wixii ka dhacay Golaha Shacabka waxay uu salka ku hayey Muddo kororsi -VIDEO

Published: July 25, 2020
Sawirkan waxaa la qaadey maalintii la magacaabey raysalwasaare Kheyre  23 February, 2017
Sawirkan waxaa la qaadey maalintii la magacaabey raysalwasaare Kheyre 23 February, 2017

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabku ay xilka ka qaadeen, ayaa sheegey isaga oo ilaalinaya danaha dalka iyo duruufta jirta in uu u hoggaansamey go’aankii aan sida sharciga waafaqsaneyn uga soo baxay Golaha Shacabka.

Raysalwasaare Kheyre oo oggolaadey go’aankii baarlamaanka ayaa yiri:

Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro ahaa, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha, anigoo og in aan laga doodin, Aniga ooog in aan la codeyn hadana wxaa go¨’aansaday inaan umadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilla Umadda Soomaaliyeed u haayay”

Hoos ka daawo Khudbadda rayalswasaare Xassan Cali Kheyre

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment