Baarlamaanka Puntland Oo Laalay Heshiiskii Seychelles ee Burcad-badeeda

Published: July 26, 2020

Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta laalay heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeyey Puntland iyo dowlada Seychelles, kaas oo la galay 15kii bishii maarso sanadkii 2011.

Heshiiska ayaa ahaa in xabsiyada Puntland lagu hayo maxaabiis Soomaaliyeed oo ay dowlada Seychelles u haystey falal burcad-badeednimo, balse golaha wakiilada Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay ayaa cod aqlabiyad ah ku laalay heshiiskaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u sababeeyey inay laalaan heshiiska maadaama aanan maxaabiista fursad loo siin racfaan markii xukunada lagu ridayey taasina ay tahay cadaalad darro.

Ugu dambayn baarlamaanka Puntland ayaa guddi farsamo u saaray ka shaqeynta siideynta maxaabiista loo heysto burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiyadda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *