Cumar Cabdirashiid oo talo u direy Farmaajo kadib xil ka qaadistii Kheyre

Published: July 26, 2020

Cumar Cabdirashiid Cali oo laba jeer horey u soo noqdey Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadley isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii xilka laga qaadey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegey in Baarlamaanku xilka ka qaadi karaan Raysalwasaaraha laakiin waxa dhacay ay yihiin wax aan horey u dhici jirin, isla markaana ka leexsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Cumar Cabdirashiid oo waraysi siinaayey VOA ayaa la weydiiyey halka loo dhaqaaqayo maadaama Raysalwasaaraha waxa loo cayriyey ay tahay in uu ku fashiley in uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ayaa yiri dalku waxa uu taagan yahay marxalad adag waxaana la kala taagan yahay laba daraf.

Labada dhnac ayaa kala ah Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha oo taagan in dalka ay ka qabanayaan doorashooyin qof iyo cod ah taas oo u baahan wakhti badan iyo Dowlad goboleedyadii dalka intiisa badan ka talinaayey, siyaasiyiintii Soomaaliyeed oo dhan oo qaba in doorashada xiligeedi ku dhacdo heshiisna lagu yahay, haddaba waxaa loo baahan yahay ayuu yiri qofkii labadaas dhinac meel isugu keeni lahaa si dalku aanu khatar u gelin.

Cumar Cabdirashiid

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in cidda labadaas daraf isu soo dhaweyn kartaa ay tahay Raysalwasaaraha la magacaabayo, sidaas darteed ayaan kula talinayaa ayuu yiri in Madaxweynuhu uu u talo badsado Raysalwasaaraha uu mahgacaabayo oo keeno qof qaban kara shaqadaas haddii kale dalku khatar ayuu wajahayaa ayuu yiri.

Hoos ka dhegayso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *