Golihii Xukuumada Ee Lagala Noqday Kalsoonida Oo Kulmay

Published: July 26, 2020

Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu shalay golaha shacabku kala noqday kalsoonida ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayey amniga dalka, xaaladda Coronavirus, dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Waxaana kulanka shir gudoomiyey siihayaha xilka raysal wasaaraha ahna raysal Wasaare ku-xigeen Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo uu shalay madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka siihayaha kadib markii xilka raysal wasaare laga qaaday Xasan Cali Kheyre.

Intii uu shirku socday ayaa la amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Covid19.

Ugu dambayn golaha ayaa bogaadiyey taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taagan yihiin saaxiibada Soomaaliya waxayna ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *