Guddiga Gurmadka Qardho Oo 205 Qoys Ku Wareejiyey Deeq Xoolo Ah

Published: July 26, 2020

Guddiga Gurmadka Daadadka Qardho ayaa maanta deeq xoolo ah ku wareejiyey 205 qoys oo xoolahoodii ku waayey daadkii bishii 4aad ee sanadkan 2020 kusoo dhacay Magaalada Qardho.

Shiikh Fuaad Xaaji Nuur iyo Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah guddiga gurmadka ayaa sheegay deeqdan xoolaha ah oo markii hore ka timid walaalaha gobolka Nugaal inay maanta ku wareejiyeen qoysaskii ay saameeyeen daadkii Qardho.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay labo bilood ku mashquulsanaayeen diyaarinta qaabka wax-loo-siin lahaa ganacsatada, haatanna ay diyaariyeen.

Waxay intaasi ku dareen inay qaybinta bilaabi doonaan markii uu daahfuro madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *