Internetka oo ka go’an Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada

Published: July 26, 2020

Waxaa maanta oo Axad ah go’an Internetka magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka sida Hiiraan, Bay, Bakool iyo Jubbooyinka

Shirkadda u weyn ee bixisa Internetka ee Hormuud ayaa sheegtey in ay ogtahay ciladda, waxaana ay raaligelin ka bixisey dhibaatada uu sababay, laakiin ma sheegin sababta Internetku u maqan yahay.

Adeega Internetka ayaa kamid noqdey nolosha caadiga ah waxaana ku xiran shaqooyinka hay’adaha, shirkadaha iyo xiriirka bulshada.

Shirkadaha kale ee bixiya adeega Internetka sida Somtel iyo Global ayaan ka hadlin dhibaatada internet la’aanta.

Waxay ku soo beegmeysaa maalin kadib markii Raysalwasaaraha xilkii laga qaadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *