Midowga Yurub Oo Ka Horyimid Xil Ka Xayuubintii Kheyre

Published: July 26, 2020
Josep Borrell

Midowga Yurub ayaa ka horyimid xil ka qaadistii ay golaha shacabka Soomaaliya ku sameeyeen raysal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo ay ku sheegeen dib u dhac ku yimid horumarka Soomaaliya.

Wakiilka sare ahna madaxweyne ku-xigeenka midowga Yurub Josep Borrell ayaa nasiib darro ku tilmaamay falkii shalay ka dhacay xarunta golaha shacabka iyo hanaankii loo maray kalsooni kala noqoshada xukuumada.

“Hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri Josep Borrell.

Josep ayaa sheegay inay arrintani welwel ku keentay midowga yurub oo dowlada Soomaaliya ku garabsiiya dhamaystirka dastuurka qabyada ah.

“Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh dib ugu eegi doonaa sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda iyo heerka ay Soomaaliya ka weecin karaan horumarka ay sameyneysay,” ayuu yiri Josep Borell.

Hadalka midowga Yurub ayaa kusoo beegmaya ayado shalay sidoo kale dowladda Mareykanku ku tilmaantay kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre dib u dhac ku ku yimid horumarka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment