China oo la wareegtay Qunsuliyadii la xiray ee Maraykanka lahaa

Published: July 27, 2020

Ciidamada Amaanka ee Shiinaha ayaa la wareegay Xaruntii ay ku taalay Qunsuliyada Maraykanka ku lahaa magaalada Chengdu oo todobaadkan la xiray.

Dhamaan astaamaha Qaranka iyo Calanka Maraykanka ee ku dhaganaa Daarta Qunsuliyada ayaa laga fujiiyey, goobtaasi oo ay hada gacanta ku hayaan ciidamada amaanka ee Shiinaha.

Tilaabadan ayaa jawaab u ah go’aankii Maraykanka ku xiray Qunsuliyada Shiinaha ku lahaa magaalada Houston, Maraykanka ayaa maalmo kahor sidan oo kale la wareegay daartii ay ku taalay Qunsuliyada China.

Dowlada China ayaa sheegtay inay qaadi doonto mar walba tilaabo jawaab u ah fal kasta oo ay ku kacaan Maraykanka.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey in Qunsuliyada China ee magaalada Houston ee gobalka Texas in ay faraha kula jirtay arrimo wax basaasid ah. Arrintan oo ay Shiinaha beeniyeen.

Shiinaha ayaa dhankooda ku eedeeyey Qunsuliyada Chengdu ee Maraykanka inay iyaduna ku jirto hawlo sirdoon ah gaar ahaan xaaladaha ka jira gobalkada Xijiang oo ay xukuumada Beijing cadaadiska ku heyso.

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *