Germany: Weerar loo adeegsaday gaari?

Published: July 27, 2020

Booliiska Jarmalka ayaa weli baaraya shil Axadii shalay ka dhacay fagaaraha Hardenbergplatz ee magaalada caasimada ah ee Berlin.

Nin lagu sheegay da’adiisu inay tahay 24 sano jir ayaa gaarigiisa jiirsiiyey dad badan oo marayey wadada, waxaana la sheegay in dadka dhaawacmay 3 kamid ah xaaladoodu culus tahay.

Xog laga soo xignayo saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in la baarayo in dhacdadan ay la xariirto arrimo siyaasadeed, waxaana gacanta lagu hayaa ninka gaarigaasi waday.

Dalka Germany ayey horey uga dhaceen weeraro gawaari loo adeegsaday oo ay geysteen kooxo xagjir ah.

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *