Khadka Internetka oo u soo laabtey Muqdisho iyo qaybo kamid ah Koonfurta

Published: July 27, 2020
Somalia Internet

Kadib 24 saac oo khadka Internetku uu ka maqnaa magaalada Muqdisho iyo qaybo kamid ah gobolada Koonfureed ayuu maanta dib ugu soo laabtey adeega Internet-ku.

Waxaa baraha bulshada qabsadey dad badan oo ku faraxsan in ay Online dib ugu soo noqdeen.

Shirkdaha bixiya Internetka ayaa ku doodey in duufaano ay jareen xargaha Internetka.

Waxaa jirta doodweyn oo taas ka duwan oo ay qabaan khubarada Tiknoolajiyadda oo ah in si ulakac ah Internetka loo jarey ayna daba socoto arrimo siyaasadeed waxaana kamid ah hay’adaha qorey NetBlock oo ah hay’ad ka shaqeysa amniga Internetka una dooda sida dadku xaq ugu leeyihiin adeega Internetka si xanibaad la’aan ah u isticmaalaan.

Haddaba sida degdega ah ee loo soo furey ayaa calaamad su’aal saareysa sheegashadii shiradaha ee ahaa in duufaantii ka dhacdey badweynta Hindiya ay waxyeelo gaarsiisey Internetka xargaha qaada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *