Maxay Tahay Ujeedka Safarka Madaxweynaha Galmudug ee Muqdisho?

Published: July 27, 2020
Qoorqoor
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho. Waa safarkii u horeeyey ee uu Muqdisho ku tago kadib doorashadiisi oo laga joogo lix bilood.

Safarka Madaxweynaha Galmudug ayaa horey u qorsheysnaa waxaana uu daarnaa sida la sheegay laba rrimood.

  1. Shir uu la yeelanayo ganacsatada iyo maal-qabeenada ka soo jeeda Galmudug sidii looga caawin lahaa in maamulka Galmudug dib u istaago
  2. Ujeedka labaad ayaa ah qabanqaabanada shirka 15 August oo Galmudug gogosha dhigtey masuulna ka tahay martigelinta, taas oo dowladda kala hadlaayo taageeradii ay ballan qaadey in ay bixineyso.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor safar gaaban ku tegi doono dalka Turkiga arrimo caafimaad darteed.

Waxaa horey u qorsheysnaa in todobaadkan uu Muqdisho ka furmo shir weyn oo ku sabsan Galmudug kaas oo looga hadlaayo dib u dhsika maamulka Galmudug oo horey khilaafaad u ragaadiyeen.

Safarka Madaxweyne Axmed kaariye ayaa ku soo beegmaya iyada oo xilkii laga qaadey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre oo ay xiriir wanaagsan lahaayeen, iyada oo Puntland ku eedeysey sababta Kheyre xilka looga qaadey in ay tahay burburinta wixii ka soo baxay Dhuusamareeb iyo carqaladeynta shirka saddexaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *