Maxay Tahay Sababta Dawladda Federaalku u magacaabi weydey guddigii farsamo ee lagu heshiiyey?

Waxaa si weyn isu soo taraya wel-welka iyo walaaca laga qabo xaaladda dalku ku socdo, waxaa soo badanaya baaqyada beesha caalamka ee taageerayey geeddi socdoka dowladnimada Soomaaliya ay soo saarayaan iyaga oo wadnaha farta uga hayo haddii aan la fulin heshiiskii Dhuusamareeb sida xaalku noqonaayo.

Shirkii Dhuusamareeb oo la soo xirey 22 Luuliyo qodobka ugu muhimsanaa waxa uu ahaa in la dhiso guddi farsamo oo ka soo shaqeeya noocyada doorasho ee ku habboon xiligan iyo in la isugu yimaado shir 15 Agoosto isla Dhuusamareeb kaas oo lagu soo bandhigaayo wixii guddigu ka soo shaqeeyey laguna ansixinaayo, sidoo kale qodobada ugu muhimsanaa ayaa ahaa in doorashadu xiligeedi ku dhacdo.

Ilaa saddex Dowald goboleed ayaa diyaariyey xubnaha guddiga farsamo uga mid noqon lahaa waxaana ay kala yihiin Hirshabelle, Jubland iyo Puntland oo mid laba xubnood diyaariyey.

Wakhtiga ka harsan shirka loo ballansan yahay waa 17 maalmood, Dowaldda Federaalka oo la doonaayey in ay hormuud ka noqoto arrintan weli ma magacaabin guddigii farsamada, waxaana ay dhex dabaalaneysaa mowjado siyaasadeed oo kale sida baadigoobka raysalwasaare cusub iyo muddo kororsi sidii lagu heli lahaa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo daba saarey hadalkii Raysalwasaare 9 Luuliyo ee ahaa in dalku doorasho la isla oggol yahay aadayo taasna ay ka shaqeynayaan, muddo kororsina ay dalka u horseedeyso qalalaase siyaasadeed, waxaana Madaxweynuhu sheegay in uu ayidsan yahay baaqa xukuumadda.

Mar kale markii Golaha Shacabku ay ku dhawaaqeen in ay rideen Xukuumaddii, oo Madaxweyne farmaajo si hal-haleel ah u soo dhaweeyey qoraalkii uu soo saarey waxa uu ku soo afmeeray, in uu ku taagan yahay go’aanadii Dhuusamareeb shirkaasna u diyaar garoobayo doorashaduna xiligeedi ku dhici doonto.

Haddaba taaktikada Madaxweyne Farmaajo ciyaarayo ma tahay mid run ah marka la eego tallaabooyinkii u danbeeyey ee uu qaadey iyada oo la tixraacayo qoraalkiisi hore ee ku taageeray baaqa xukuumadda, iyo dagaalkii lagu qaadey maalmo kadib Raysalwasaare Kheyre.

Haddii todobaadkan uu ku dhawaaqi waayo guddiga farsamo ee lagu heshiiyey, waxaa cad in shirka Dhuusamareeb 3 uu burburey, maadaama wax lala tago oo laga soo shaqeeyey aysan jirin.

MAXAA LA GUDBOON DOWLAD GOBOLEEDYADA?

Dowlad goboleedyada dalku waxay haytsaan fursad kale oo ay ku badbaadin karaan in geeddi socodka 20 sano soo socdey ee Dowaldnimada Soomaaliya aanu god ku dhicin, waxaana hadda taas u dheer beesha caalamka oo soo jeesatey indhahana ku kala qaadey qaabka horornimada ah ee dad qaarkood u doonayaan in ay awooda dalka u maroorsadaan taas oo bilowu noqon karta burbur kale iyo in lagu khasaaro wixii mudada dheer laga soo shaqeynaayey.

Dowlad goboleedyada waxaa la gudboon in ay ku dhawaaqaan shir BADBAADO QARAN, maadaama dhacdooyinkii u danbeeyey ay muujinayaan halka Villa Somalia u socoto.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave A Reply

Reader Interactions

Comments

  1. Abdullahi Elmi says

    Dalka Soomaaliya u baaha shirar aan wax micna ah ku fadhinin.
    Shir badbaado qaran waa mid u jeedo badan ah,Baarlamaanka ayaa ah hay’ada ugo mudan ee talo ka gaari karta doorashooyiny Soomaaliya waa haddii la rabo in sharci iyo dastuurka ka raaco.
    Maamul goboleedyada waxa u furan wada tashi iyo in qayta dastuurko siiyey sysan dhaafin.
    Xisbiyado ololahooda iyo barnaanijja siyaasadeed ha wateen.haba u daaayaan baarlamaanka in uu hiwshiisa guti.
    Shir badbaado qaran waxay furi santuuq xiran wax faa’iida ahna kama soo baxayaan,waxa laga soo bartay sooyaalkii la soo maray.
    Soomaaliya guul ,midnimo iyo nabad.

  2. Abdikkarim isse says

    Aniga waxay ila tahay, in marka hore laga war sugo Farmaajo iyo xukuumada cusub oo uu soo dhisayo.
    Haddii waqtiga loo balansan yahey shirka Dhusamareeb ka hor xukuumad la helo, iyaduna xubnihii guddiga farsamo soo magacowdo, qorshuhuna sidii lagu balamey ku socdo, markaas waa sidii la rabey horey baa loo soconayaa.
    Haddii xukuumadu dhisideedu waqti qaadato ama marka la soo dhiso, ay la timaado qorshe cusub oo ka duwan kii loo balansanaa.
    Markaas dowlad goboleedyada waxaa u furan in ay iclimiyaan shirweyne badbaado qaran.