Dalalka EU-da oo shacabkooda uga digay inay u dalxiis-tagaan SPAIN

Published: July 29, 2020

Wadamada UK iyo Germany ayaa kamid ah dalalka Midowga Yurub ee shacabkooda uga digay in xiliyada fasaxa u dalxiis-tagaan wadanka Spain oo uu markale kusoo labo-kacleeyey cudurka Covid19.

Magaalada Barcelona oo kamid ah magaalooyinka wadanka Spain oo ay dalxiisayaasha jecelyihiin ayaa kamid ah goobaha markale laga soo sheegayo inuu si ba’an ugu faafayo cudurka Covid19.

Dhamaan dadka u dalxiistagay ama hada jooga Barcelona iyo nawaaxigeeda ayaa lagu amray markay dalkooda dib ugu soo noqdaan inaysan 2 asbuuc guryahooda kasoo bixin.

Wadanka Spain oo kamid ahaa dalalkii ugu horeeyey ee uu cudurka Covid19 dadka badan ku dilay ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay kasoo kabanayey khasaaraha dhaqaale ee Covid19, waxayna rajeenayeen in markale ay soo dhaweeyaan dalxiisayaasha reer Yurub ee si weyn wadankaasi u booqda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *