Doodii heshiiska DPWorld ee dekadda Bosaso oo dib loo dhigay

Published: July 29, 2020
Golaha wakiilada Puntland
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland

Baarlamaanka Puntland oo maanta u fariistey in ay dib u eegis ku sameeyaan heshiiska DPWORLD ee Dekadda Bosaso ayaa warbixin ka dhegasyety Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino). kadib markii Xildhibaanada ayaa u yeereen.

Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino). Wasiirka Dekadaha ayaa sheegay in ballanta u danbeysey ee lagu kala bixi lahaa ama heshiisku u noqon lahaa mid miro dhal ah ay ahayd bishii Maarso ee sanadkan 2020, kadibna waxaa dunida ka dilaacay Fayraska Koroona kaas oo xanibaad sameeyey, wasiirku ma sheegin xiliga labaad ee ay dib ugu noqonayaan Imaraadka Carabta.

Xildhibaanada ayaa dood kadib dib u dhigey ka doodista ajandahan maadaama u baahan yahay macluumaad intaas ka badan, waxaana ay dib ugu dhigeen bisha Nofeembar iyo kalfadhigooda danbe.

Heshiiska Puntland la gashey Shirkad laga lee yahay Imaaraadka Carabta P&Ports oo hostagta Shirkadda weyn ee DPWorld ayaa gaaraya 30 sano, waxaana Puntland ku bedalatey in loo dhiso dekada Bosaso iyada oo lagu maalgelinayo adduun dhan 336 dollarka Maraykanka ah, muddo labasano ah gudaheed taas oo aan dhicin.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Puntland:
    Waxa haysta dhibaatooyin ay savab u yihiin,qabyaalad,musumaasuq,cadaalad ,ku tumashada wixii lago heshiiyey.
    Mid ugo daran,ee Puntland fadhiidka ka dhigtay tan iyo intii la aasaasay waa golaha la soo magacaabo oo baarlamaanka magac u yaalka ah,oo runtii qaybta ugo wayn ee dib u dhaca xagga haykalkii maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya curyaamiyey.
    Xilgan Puntland Baarlamaan shaqeeya ma laha oo waxaa baabi’yey,Deni.
    Abwaan waa shaqsi noqday sidii xoghayn u shaqaysa Deni.
    Gaas iyo Deni musumaasuqii ay ka galeen geyiga Puntland siiva heshiiskii xaraabta ahaa ee mudo sodonka sano ah( 30) looga iibiyey Dakada Bossaso shirkada ay leeyihiin qoyska maamula Imaaraadka ee
    DP World.
    Waa in goor ay gaadhaba la sameeyo baaritaan madax banaan uu ku saabsan fadeexadaadi iyo laaluushjii ay qaateen,Gaas,Deni iyo xildhibaanada la soo magacaabo ee baarlamaanka Puntland iyo dulaaliintii ka shaqeeyey ee jooga Gart iyo Dubai.
    Umadd walba waxa ay heshaa madaxda ku haboon,Shacabka reer Puntland haddii ay ka aamusaan musumaasuqa iyo boobka hantida dadwaynaha reer Puntland danbiga ay u hiiliyeen.
    Puntland guul iyo Soomaaliya guud ahaan.