Dowlada Turkiga oo Sharuuc kusoo rogtay Baraha-Bulshada ee Internet-ka

Published: July 29, 2020

Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta oo Arbaca ah ansixiyey sharuuc cusub oo ay xukuumada Erdogan kusoo rogtay baraha-bulshada ku sheekaysato ee Internetka, sharcigan ayaa lagu tilmaamay in lagu xakameenayo kooxaha mucaaridka.

Xisbiga AK ee Madaxweyne Erdogan oo si weyn u taageersan xeerkan xukuumada soo gudbisay ayaa si deg-degleh u ansixiyey sharcigan oo doodiisa la bilaabay shalay oo Salaasa ahayd.

Sharcigan ayaa waxaa kamid ah Website-da Baraha Bulshada wax ku faafiya inay yeeshaan qof u jooga gudaha wadanka Turkiga oo ay dowlada kala hadli karto arrimaha ay dacwada ka qabto ee internetka lagu faafiyo.

Shirkadaha iyo Warbaahinta ayaa sidoo kale xanibaad dhanka Xayeysiiska ah ama Ganaax kala kulmi kara dowlada hadii aysan ka bixin barahooda-bulshada wixii ay dowladu dhibsato.

Dowlada Turkiga oo horey ulla wareegtay inta badan Warbaahinta waaweyn ee dalkaasi ka jira, ayaa hada wada dadaal ay dooneyso inay ku xakameyso baraha-bulshada oo ay shacabka dalkaasi si weyn u isticmaalaan.

Xukuumada ayaa horey dacwado ugu soo oogtay shaqsiyaad ay ku eedaysay inay aflagaadeeyeen Madaxweynaha iyo xubno kamid ah Xukuumada Turkiga.

Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sharcigan cusub ku sheegay mid awood weyn siinaya dowlada oo u adeegsan karta sharuucdan caburinta shacabka fikirkooda sida xorta ah u dhiibta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *