Soomaaliya oo $500 milyan ku weydey isbeddelka Xajka ee sanadkan

Published: July 29, 2020
Soomaaliya oo khasaaro weyn ka soo gaartey Xajka iyon saameynta Korona Fayras.

Sanadkasta xiligan oo kale waxaa dekadaha Soomaaliya gaar ahaan Bosaso iyo Berbera ka dhoofi jirey malaaiyiin xoolaha nool ah, kuwaas oo la geyn jirey mowsimka Xajka oo dadka acmaasha gudanayaan ay u isticmaalaan hadiyooyinkooda iyo udxiyada.

Gudahashada Acmaasha Xajka oo bilowdey maalintii shalay ee Talaadada waxaa saameyn weyn ku yeeshay cudurka COVID-19 ee uu sababey Fayraska Korona, kaas oo dunida si ba’an ugu faafey dileyna boqolaalkun oo qof. Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkan diidey in xajka looga yimaado dibadda, waxaana ka qaybqaadanaya dad gaaraya 1000 qof oo keliya o ku sugan isla gudaha Sucuudi Caraabiya, halka ay ka qaybgeli jireen 2 milyan oo qof.

Sanadkii hore ee 2019 ayaa la qiyaasaa in xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofiyey Sucuudiga ay dalka soo geliyeen adduun ku dhaw $500 milyan oo dollarka Maraykanka ah, taas oo sanadkan noqotey mid kamqan khasandaha ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ay saameysey dadka xoolaha dhaqda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *