Maraykanka OO laga Dalbaday inuu Magdhow Siiyo Ehelada Dadka Uu Ku Dilay Somaliya

Published: July 29, 2020

Hay’ada Xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa ka dalbatay taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrikom inuu toos ula xiriiro ehelada dadka uu ku dilay Somaliya.

La Taliye sare oo ka tirsan Hay’adda Amnesty Brian Castner ayaa sheegay in loo baahan yahay la xisaabtan iyo Magdhow la siiyo dhibanayaasha iyo Ehelada dadka ku dhintay duqaymana Maraykanku uu ka fuliyay Gudaha Somaliya.

Amnesty waxay soo dhawaysay qirashada Taliska Afrikom ee ay ku sheegeen in weerar ay qaadeen ku dileen dad rayid ah saddex kalena ku dhaawaceen meel ku dhaw degmada Jilib ee Jubada Dhexe horaantii sanadkan. hase yeeshee wuxuu sheegay in ahayd marka hore laga hortego in fal noocan oo kale uu dhaco.

Dowladda federaalka Somaliya ayaa weli ka hadlin dadka rayidka ah ee uu Maraykanku uu ku dilay weerarada dhinac Cirka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *