Ololaha Xilka Raysalwasaaraha Soomaaliya oo meel adag maraya

Published: July 29, 2020
Galmudug dedaal ugu jirta raysalwasaaraha
Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor, Axmed Ducaale Geele iyo Prof Shirwac

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda olole loogu jiro cidda qabanaysa xilkii uu baneeyey raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Ololahan ayaa mararka qarkood gaarsiisan heer maamulo, waxaana ku herdamaya Galmudug oo inteedi badneyd Muqdisho joogaan waxaana hoggaaminaya Axmed Cabdi kaariye Qoor, Gobolka Banaadir oo ay kala hoggaaminayaan siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo siyaaasiyiin hore oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Xildhibaanada Mudolood qaarkood iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir

Dhanka kale waxaa iyaguna aan dab yar shideyn Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo si weyn ugu ololeynaya siyaasi markii hore rajo fiican qabey kana tirsanaa shaqaalaha Baanka Adduunka, kana soo jeeda Beledweyne.

Xaaf iyo siyaasiyiin ku beel ah oo la kulmey Madaxweyne Farmaajo

Sidooa kale waxaa ololaha qaybka ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo si weyn xariif ugu ah gorgortanka iyo kala tuurida.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibadiisa ku dhaw ayaa arrintan fursad weyn u arkey, maadaama baarlamaanku diyaar la yahay in ay meel mariyaan cidkasta oo la keeno shardigooda u horeeyaana yahay in la xaqiijiyo muddo kordhin laba sano ah, ayey loolankan uga faa’ideysanayaan cidkasta oo xaqiijin karta yoolkaas.

Maamulka Galmudug oo ay taaley gogosha Dhuusamareeb 3 ayaan hadda u muuqan in ay wax shaqo ah qabteen, weli ma aysan magacaabin cidda uga mid noqoneysa guddiga farsamada, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin sidii lagu xaqiijin lahaa xilka raysalwasaaraha in uu noqdo mid ka soo jeeda beesha Habargidir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. CAYRINTII XASAN ALI KHEYRE , IYO MAGACAABISTA REYSAL WASAARE CUSUB, AYAA WAXEY SALDHIG UTAHEY LABA ARIMOOD, 1 IN LAFASHILIYO SHIRKA DUUSAMAREEB 3, ISLA MARKAASNA LAMASHQUULIYO BEELAHA KOONFURTA, IYO 2 IN MUDA KORORSI LA SAMEYSTO INTEY DOONTO HA LE’EG KAATEE.

    WAXAASE NASIIBDARO AH QOOR QOOR OO FURSAD DAHABI AH HAYSTEY INUU KU QANCO WAXAA LAGAA TALA GALINAYAA REYSAL WASAARE AAN WALHTI HAYSAN.