Pakistan: Nin Sheegtey In uu Yahay Nebi oo Maxkamad Dhexdeed Lagu Diley

Published: July 29, 2020

Tahir Axmed Naseem ayaa ku eedeysnaa in uu aflagaadeeyey diinta Islaamka waxaana uu sheegteyin uu yahay Nebi, waxaa maanta lagu dhextoogtey maxkamadda dhexdeeda xili ay socoto dacwadiisu, magaalada Beshawar ee dalka Pakistan.

Naseem ayaa ku jirey xabsiga tan iyo sanadkii 2018, waxaana uu ku eedeysnaa aflagaadada islaamka iyo sheegashadiisa Nebinimo. Ninkan ayaa horey uga mid ahaa dariiqada habowsan ee Axmadiya waxaana uu sheegay in uu ka baxay oo isagu yahay Nebi.

Taher Naseem Ahmed

Qofka dilkan geystey oo magiciisa lagu soo koobey Khalid ayaa qirtey dilka, waxaana uu sheegay in uu diley qof u gefay diinta Islaamka, kadib booliska ayaa qabtey.

Booliska Pakistan ayaa sheegay in ay baarayaan sida ninka dilka fuliyey ay ugu suurta gashey in uu hub la soo dhex galo maxkamadda, wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka dafey booliska gudaha ku jirey sidaasna ninkan ku diley.

Bakistan ayaa aflagaadada diinta islaamka lagu muteystaa ilaa dil, inkasta oo aan weli dowalddu qofna ku qaadin xukunkaas ayaa tan iyo sanadkii 1990 waxaa loo diley 77 qof oo diinta Islaamka u gefey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

4 Comments

  1. Waxaa ila haboon inaad isticmaashaan “dariiqadda suufiyada ah ee Axmadiya” halka aad isticmaali lahaydeen “dariiqadda habowsan”. Waayo erey bixinta waa qeyb muhim ah oo kamid ah qoraalka maqaalada.
    Sidoo kale waxaa haboon inaad usoo werisaan warbixinta qaab dhex dhexaadnimo ah maadaama mareegtani ay tahay mid madax banaan oo dhex dhexaad ah. Waxaase muuqata inaad xukun diini ah rideysaan markaad leedihiin “habowsan” ayadoo la og yahay in dariiqada Axmadiyadu tahay mid diiniyadeed oo ay ka buuxdo towxiidka Alle culimo weyna ay ku taxan yihiin.

    Waxaan soo jeedinayaa inaad erey bixintaas dib u saxdaan

    1. Dariiqooyinka Suufiyada ee Axmadiya, Qaadiriya, Saalixiya, Uweesiya, Zeylaciya, dhamaantood waxay salka ku hayaan wadaado ay weyneeyaan Suufiyiinta, barakaystaan juna eg inay ugu yeeraan inay yihiin Awliyo Allah barakeeyey oo maqaam sare ku leh Allah agtiisa.

      Halka Axmadiyada Pakistaan ay aaminsan yihiin inuu yahay nin Rasuul/Nebi ah magaciisa oo dhameystiranna la yiraah Mira Ghulam Ahmad oo ka dambeeyey suubanaheena Muxammad SCW oo sheegta inay yihiin dad Muslimiin ah.

      Sidaa dareed labada Axmad waa laba kala gedisan magacuna yahay mid ku haboon in loogu yeero dariiqada haboowday.

      Thanks.

      1. Mahadsanid
        Sidaa uma aanan ogeyn inay Axmadiyada Pakistan u qalafsan tahay. Waxaan u haystey inaynu ka hadlayno isla Axmadiyada Soomaaliya.

        Sidaa darteed waxay ila tahaay in qaab soocis ah loo dhigo. Matalan: Dariiqadda Axmadiyada habowsan ee Pakistan.

    2. Wllo Dariiqada axmadiyada ee aan soomaalidu taqaanay kana mid ah bulshada soonaaliyeed maaha tani waa fikir diimeed aan aqoonsanayn Nebi muxamed scw oo culimada muslimku isku raacsan yihiin inay gaalo yihiin