Raadraaca Heshiiska Dekadda Bosaso ee DPWORLD (Timeline)

Published: July 29, 2020
Shares72
Dekadda Bosaso Dp WOrld

Xildhibaanada golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Arbaca ah 29 Luuliyo 2020 ka hor fasaxa ciidka ka doodaya dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii dekadda Bosaso lagu wareejiyey muddo 30 sano ah, haddaba waxaan si taariikheysan u eegeynaa marxaladihii ugu muhimsanaa ee heshiiskan soo maro.

06.04.2017, Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu saxiixey heshiiska wareejinta dekadda Bosaso, muddo 30 sano ah, waxaa Puntland ku bedalatey adduun dhan $336 milyan oo dollar lagu dhiso dekadda oo u qaybsan laba weji, kan kowaad waa $200 milyan, oo dekadda lagu dhisaayo halka wejiga labaad noqonaayo $136 milyan oo dollar.

Heshiiskan waxaa dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWORLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

! Heshiiska ay sidoo kale wuxuu dhigay in dhismaha dekada lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

DPWORLD waxay saxiixa kadib bixisey lacag gaareysa $20 milyan oo dollar oo hormarin ah.

Heshiiskan waxaa uu u baahnaa in Golaha wakiilada Puntland ansixiyaan.

19 Juun 2017, waxaa Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Gaas ku deeqay 3.5 Milyan dollar oo la kala siiyey dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe iyo dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo, laakiin Madaxweyne Gaas ma sheegin lacagtaasi in ay ahayd labaatankii milyan ee hormarinta ahayd ee dekadda Bosaso.

18 Luuliyo 2017, Xildhibaanada Golaha wakiilada oo la horkeenay heshiiska DPWOLD ayaa dhan kale u rogey oo Xukuumaddii oo dhan ridey, taas oo ahayd gor-gortanka $20milyan sida Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka uu sheegay xiligaas.

27 Luuliyo 2017, waxaa Xildhibaanadu cod aqlabiyad ah oo gaaraya 59 Xildhibaan ku ansixiyeen Heshiiskii ay dartiis xukuumadda u rideen ee DPWOLRD.

7 Agoosto 2017, Madaxweynaha Puntland waxa uu dib u soo celiyey Xukuumaddii la ridey isbedel yar kadib, baarlamaankuna waan anisxiyey isla xukuumaddii ay rideen.

30 Siteembar 2017, Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo waraysi siiyey SBC ayaa difaacay heshiiskii DPWOLD la galay waxaana uu yiri DPWOLD waa inoo “il-duufeen” ee aynua ka faa’ideysano heshiiska.

12 Maarso 2018, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isku raacey in dalka laga saaro shirkadda DPWORLD ee Berbera iyo Bosaso.

15 Maarso 2018, Aqalka Sare ee jamhuuriyadda ayaa isku raacey in dalka laga saaro DPWORLD

27 Agoosto 2018, Waxaa fashilmey mooshin ka dhan ah heshiiska Dekadda Bosaso oo baarlamaanka Puntland la geeyey sanad kadib markii golaha wakiiladu ansixiyeen heshiiska P&Ports iyo DPWorld.

28 Diseembar 2018, Msuaharax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa buugiisa barnaamijka siyaasadeed ku qorey in ay dib u eegayaan heshiiskii lagu wareejiyey Dekadda Bosaso haddii uu xilka ku guuleysto.

04 Feberaayo 2019, waxaa la diley Agaasimihii Dekadda Bosaso ee shirkadda DPWORLD u magacaabtey Paol Farmosa, waxaana dilkiisa sheegtey Al-Shabaab.

06 Abril 2019, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan heshiiskii DPWORLD Puntland la gashey isaga oo ku sugan magaalada Bosaso, maadaama uu ka horeeyey, heshiisyada dowliga ah waan ixtiraameynaa ayuu yiri.

08 Abril 2019, Madaxweynaha Puntland waxa uu safarkiisi u horeeyey ku tegey dalka Imaaraadka Carabta.

15 Abril 2019, Madaxweynaha Puntladn waxa uu shir la yeeshey Saraakiisha u saraysa DPWORLD, waxaa lagu heshiiyey ilaalinta heshiiskii iyo in la dardargeliyo dhismaha dekadda Bosaso, sidoo kale waxa uu ehsiis la galay shirkadda FlyDubai in ay duulimaad ku tagto Bosaso.

15 Abril 2019, Khudbad Madaxweyne Deni ka jeediyey DUBAI ayuu ku sheegay “Waxaan isla garaney DPWORLD in muddo sanad ah gudaheed lagu xaliyo caqabadaha jira wax u qalma bulshada Puntland ayaa ka soo baxaya heshiiska Dekadda Bosaso”

16 Siteember 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siinaayey BBC ayaa sheegay in dhismaha dekadda Bosaso uu bilaabanayo ka hor inta aan sanadka 2019 uu dhamaan.

DPWORLD MA DHISI DOONTAA DEKADDA BOSASO?

Heshiiska P&PORTS iyo DPWORLD waxa uu dhigaayey in laba sano ay ku dhisto dekadda ma aysan fulin waxaana uu dhacay sanadkii 2019. Ballanqaadkii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kadib safarkiisi u horeeyey ee ahaa in dhismaha dekaddu bilaamayo ka hor dhamaadka sanadka 2019, ma hirgelin waxaana ka soo wareegey sanad kale.

Heshiiska rasmiga ah ee Puntland iyo DPworld baarlamaanka lama geyn waxaana la geeyey nuxurka heshiiska, heshiiska weli waxa uu ku kooban yahay Madaxtooyada.

Haddaba Golaha Wakiilada Puntland ee la ogaa qaabka ay u ansixiyeen heshiiskii Dekadda Bosaso iyo DPWORLD maxay isbeddel keeni karaan? waa su’aal jawaabteeda laga sugaayo Xildhibaanada hadda ka doodaya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Barlamanada somalia ee waayahan waa kuwo kitaabka mara hadan garab mara.

    Ma lagu sheegi karo barlaman
    Alaah baa la xisaabtami doona.