YEMEN: Kooxaha Koonfurta oo dib uga noqday Gooni-u-Goosadkii

Published: July 29, 2020

Kooxaha Koonfurta Yemen ee doonayey inay gooni uga go’aan dalka Yemen ayaa sheegay inay dib uga noqdeen qorshahaasi, go’aankan ayaa qeyb ka ah waan-waanta ay Boqortooyada Sacuudiga ka dhexwado Dowlada Yemen iyo kooxahaasi saldhigoodu yahay magaalada Cadan.

Nizar Haitham oo ah Afhayeenka Isbaheysiga Kooxaha Koonfurta Yemen ee la baxay STC (Southern Transitional Council) ayaa sheegay inay doonayaan dhaqan-gelinta heshiiska ay Dowlada Sacuudiga garwadeenka ka tahay.

Go’aankan ayaa waxaa si adag u cambaareeyey taageerayaasha Xagjirka ah ee STC oo doonayey inay ka go’aan wadanka Yemen.

Kooxaha STC ayaa taageero ka helayey dowlada Imaaraatiga oo xulafo la ah Sacuudiga, dagaalka u dhaxeeya STC iyo Dowlada Yemen ee caalamka aqoonsan yahay ayaa caqabad ku noqday dagaalkii Isbaheysiga Xulafada Sacuudiga & Imaaraatiga kula jireen kooxda Xuuthiyiinta Yemen.

Xoogaga STC oo bartamihii sanadkii lasoo dhaafay duulaan ku qaaday magaalada Cadan oo ahayd caasimada KMG ah ee xukuumada Yemen, ayaa markii danbe la wareegeen gacan ku heynta inta badan magaaladaasi.

Sacuudiga ayaa maanta oo Arbaca ku dhawaaqay inuu dardar-gelinayo dhaqan gelinta heshiiskii ay horey magaalada Riyaadh ugu wada saxiixeen STC iyo dowlada Yemen, dhamaadkii sanadkii tagay.

Qodobada ugu muhiimsan ee Sacuudiga soo jeediyey ayaa waxaa kamid ah;

  1. In lasoo dhiso Xukuumad ka kooban 24 Wasiir, oo si siman u qeybsadaan Waqooyiga iyo Koonfurta.
  2. In dib ciidamada tirada badan looga saaro magaalada Cadan iyo gobalka ay dagaalada ka dhaceen ee Abyan.

Hadii labada dhinac qodobadan hirgeliyaan waxaa markaa fursad heli doona Raysalwasaaraha dalkaasi Maciin Abdulmalik Saciid inuu soo dhiso xukuumadiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *