Dowaladda Federaalka oo caqabad kale hor dhigtey shirkii Dhuusamareeb 3

Published: July 30, 2020

Shirkii Golaha wasiirada ee dhawaan kalsoonida lagala noqdey ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri nooca doorasho ee dalku qaadanayo.

Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega nooca doorasho ee dalku qaadanayo.

Dowladda oo laga sugaayey in ay magacaabato xubnihii guddigaas u meteli lahaa kadib markii cadaadis caalami ah la saarey ayey jiho kale la aadey, waxayna taas beddelkeed sheegeen in guddigu ka koobnaan doono 16 xubnood oo lix kamid ah ay ka imaaneyso Dowaldda federaalka iyo gobolka Banaadir halka 10 xubnood oo kale ay ka imaanayaan Dowlad goboleedyada kuwaas oo midkiiba magacaabayo laba xubnood.

Dowlada Federaalka ayaa soo magacowda maamulka Gobolka Banaadir ma ahan Dowald goboleed, kamana qaybgelin shirarkii Dhuusmaareeb 1 iyo 2.

Shirkii Dhuusamareeb 2 ayaa lagu hesiiyey in guddigu ka koobnaado 13 xubnood oo si siman loo qaybsado Dowladda Federaalku leedahay 3 xubnood halka Doelad goboleedyadh leeyihiin midkiiba laba xubnood, hab-qaybintan cusub ayey Dowladda Federaalku ku dooneysaa in ay ku qaadato 6 xubnood iyaga iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ay magacaabaan, waana caqabad ay dowladdu uga baxayso qodobadii heshiiskii Dhusamareeb 2 oo keeni Kara burburka shirka loo balansanaa August 15.

Dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Hirshabelle igo Koonfur Galbeed ayaa horey u soo magacaabey xubnaha uga mid noqonaya guddiga, kuwaas oo midbiika ay magacaabeen 2 xubnood.

Waxaa la aaminsan yahay in Dowladda federaalku aysan daacad ka ahayn shirka Dhuusamareeb, waana sababta loo ridey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre, taas oo Dowladda federaalku wejigabax caalami ah kala kulantey.

Beesha Caalamka ayaan dhawaan ugu baaqdey in Dowladda federaalku degdeg u magacaabato guddigii uga mid noqon lahaa Guddiga Farsamo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Waxaan u arkaa in dowlada federaalka Soomaaliya inay soo magacaabato Afar xubnood oo uga qeyb galay shirka Dhuusamareb 3, inay tahay sid bursi iyo carqaladeen la carqaladeenayo shirka ka furmaya Dhuusamareb 15ka August iyo geedi socodka doorashada qaranka oo wada hadalkeeda iyo ka heshiinteeda socota, Waxaanu aaminsanahay in markasta hogaanka dowlada federaalka Soomaaliya ay sameeyaan wax aan lagu heshiin ama ballanta ay kaga baxaan saamileyda siyaasada dalka iyo Beesha caalamka ayagoona fuliya 20% wixii la isku ogaa iyo waxa ayaga u gaar ah na markasta doorbidaan.

  2. Way is ka caddahay in inqilaab daahsoon lagu wato dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee teer iyo xil kaqaadistii Xassan Kheyre Xamar qaab daraandoori ah is kaga dabadhacaya, isaga oo Madaxweyne Farmaajo si dadban loogu adeegsanayo in inqilaabkaas ay ku fushadaan isbahaysigii HAG is kugu magac daray ee ay talada siyaasadeed in dhawaale ka wiiqantay.

    In Banaadir oo aan dowr rasmi ah ku lahayn hannaanka dowliga ee Soomaaliya haddeer qorshaha doorashada lagu soo kakabiyo ujeeddo aad u qoto dheer ayaa runtii ka dambeysa oo in toos loo kashifo ay waajib ku noqonayso inta ay waddaniyaddu ku weyntahay. Saxaafadda Puntland ayaa laga filayaa in ay dowrka ugu muhiimsan ka qaadato dabagalka iyo faaqidaadda arrimahan gurracan ee Xamar hadda ka socda si dalkeena looga badbaadiyo waxii dhagro ah ee loo maleegayo ee doorasho dadban loogu jid marsan rabo.

  3. beesha caalamku waxba kama oga dhibaatadayada, markay meelahan soo gaadho anaga xalisanayna faraha hanagala baxaan.