India oo diyaarado dagaal kasoo gadatay FRANCE

Published: July 30, 2020

Dowlada India ayaa dalka France kasoo iibsatay diyaarado dagaal xili ay ka cabsi qabto xiisada kala dhaxeysa dalalka China iyo Pakistan.

Shantii diyaaradood ee ugu horeeyey ee nooca loo yaqaan Rafale ayaa Arbacadii shalay gaaray dalka India oo xiligan dadaal ugu jira inuu casriyeeyo hubka militarigooda.

Wasiirka Difaaca India Rajnath Singh ayaa bartiisa twitter ku shaaciyey imaanshaha diyaaradahan cusub isagoo intaasi raaciyey in cida ka cabsi qabto awoodooda ay tahay kuwa iyaga cadowga ku ah!

Bilihii lasoo dhaafay ayey sare usii kacday xiisadii u dhaxeysay militariga India iyo China, labadaasi dal oo isku heysta dhul, waxaana horey u jiray iskahorimaadyo marar badan dhexmaray militariga India iyo Pakistaan oo iyaguna isku heysta gobalka Kashmir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *