Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay La Taliyihiisa Arrimaha Doorashooyinka

Published: July 30, 2020

Madaxweynaha Dowlad Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda u magacaabay Cabdi Cali Raagge oo horey ula soo shaqeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Cabdi Cali ayaa horey usoo noqday la taliyaha madaxweynaha Jubbaland ee arrimaha doorashooyinka, balse labada masuul ayaa isku dhacay doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Jubbaland, sida ay warar hoose ku Horseed.

Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyey doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacay Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2016-kii, waxaana hadda horyaalla shaqooyin badan oo quseeya doorashada soo socota ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *