Mahadi Guuleed Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Karantiilka Cisbitaalka Banaadir

Published: July 30, 2020

Sii hayaha raysal wasaaraha ahna raysal wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay cisbitaalka Banaadir, isla markaana loogu talagalay karaantiilka nuucyada cudurada qatarta ah sida COVID-19 iyo kuwa kale.

Mahdi Guuleed ayaa u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta xarunta karantiilka.

Sii-hayaha wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ka mahadcelisay dadaalka shirkadda Hormud ay kaga qeybqaadatay dhismaha iyo qalabeynta Cisbitaalka Banaadir

Qaybtan cusub ee karantiilka ayaa la dhigay 300 sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu talagalay bukaannada xaaladoodu daran tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *