Maraykanka oo cunaqabateyn saaray Wiilka uu dhalay Bashar Al Assad

Published: July 30, 2020

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay cunaqabateyn safar iyo dhaqaale dul dhigtay wiilka uu dhalay hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad.

Wiilkan lagu magacaabo Xafid Al Assad ayaa loogu magacdaray awoowgiis ayaa hada ah 18 sano jir, wuxuuna marar badan ka qeyb galay tartamo caalami ah ee dhanka aqoonta Xisaabta.

Maraykanka ayaa horey cunaqabateyn u saaray Bashar iyo Xaaskiisa, waxayna sheegeen inay cunaqabateyn saari doonaan dhamaan xubnaha Qaan-gaarka ah ee kamid ah qoyskaasi.

“…Waan sii wadi doonaa Cadaadiska aanu dul saareyno Bashar Al Assad oo xasuuq ku wada shacabkiisa…”

Mike Pompeo – Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *