Xasan Shiikh: Guddoomiyaha Baarlamanku, Ma Jirin Farriin Uu Inoo Siday (DAAWO)

Published: July 30, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga UPD, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir jaraaid uu qabtay wuxuu kaga hadlay kulan ay isaga iyo madaxweyne Shiikh Shariif la yeesheen guddoonka golaha shacabka.

Kulanka ay masuuliyiintan yeesheen oo qabsoomay kadib markii uu baarlamaanku kalsoonida kala noqday xukuumadii raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay kulankan, balse Xasan Shiikh ayaa sheegay inuusan kulankaasi qusayn ajande gaar ah.

“Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed iyo kuwa isoo wacayba in uusan jirin Ajande gooni ah oo aan ka wada hadalnay guddoomiyaha baarlamanka, ma jirin farriin uu innoo siday , innagana uma dhiibin farriin kale” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Dhanka kale Xasan Shiikh ayaa sheegay in uusan jirin wax iska bedalay mowqifkoodii ahaa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda dhacda oo ku timaada is-ogol siyaasadeed, isagoo ugu danbayn bogaadiyey qodobadii kasoo baxay shirkii dhuusamareeb.

Hoos ka daawo:

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/288608495575774

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment