Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Xubnaha Ku Matalaya Guddiga Farsamo

Published: July 31, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa magacaabay labada xubnood ee Galmudug ku matalaya guddiga farsamo ee diyaarinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Labada xubnood ee uu magacaabay madaxweyne Qoor-qoor ayaa ka ah Kamaal Daahir Xasan Guutaale iyo Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel).

Dhamaan maamul goboleedyada kale ee dalka ayaa horey u magacaabay xubnaha ku matalaya guddiga farsamo, Galmudug ayaana ah maamulkii ugu dambeeyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *