Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Galkacayo la Oogay Saalada Ciida

Published: July 31, 2020

Madaxweynaha dowlad  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta salaadda Ciidul Addxaaga Dadweynaha Galkacayo kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta barakaysan ee Ciidul Adxa oo guud ahaan Caalamka Islaamka maanta laga ciidayo

Madaxweyne wuxuu bulshada Galkacayo ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loogu nolaado nabad iyo barwaaqo, waxaa kaloo uu ugu baaqay inay is cawiyaan oo isku gargaaraan.

“Ugu horeyn hambalyo ayaan idin leeyahay farxadane waa idinla qeyb-saneynaa waxaana idinka rabnaa inaad la shaqeyaa ciidamada kal duwan si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta bad-qabdka bulshada ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan alle ka baryeynaa in Ciidaan teeda kale nabad iyo barwaaqo iyo guud ahaan dalka oo nabad ah samo nagu gaarsiiyo insha allah”

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *