Madaxweyne Qoor Qoor iyo Safiirka Qadar Oo Muqdisho Ku Kulmay

Published: July 31, 2020

Safiirka dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Xalay hoyga uu ka degan yahay magaaladda Muqdisho ku booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen hadleen xaalada Galmudug oo hataan ay ka socdaan dib u hishiisiin balaaran waana kulankii ugu horeeyay oo ay wadayeeshaan tan iyo markii noqday madaxweynaha Galmudug.

“Waxaa hoygeyga Muqdishu ku soo dhaweeyay safiirka Dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayay, waxaan iska xogwareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo maalmahan magaalada muqdisho u joogay safar shaqo waxaana uu kulamo la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxda xisbiyada qaran oo ay hogaamiyaan madaxweynayaashi hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda olole loogu jiro cidda qabanaysa xilkii uu baneeyey raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Qoorqoor waa kan jaa is mahadiyay oo guuxiisa ka dheereyn raba. Fursaddan igu-la-sawirka ah (photo op) waa mid uu u qorsheystay in uu astaantiisa siyaasadeed ku qurxisto oo uu shacabka Soomaaliyeed iskaga dhiso.

    Hoggaan weli ugub ah ee aan khibrad ku filan u soo lahaanin siyaasadda Soomaaliya oo haddana maamul goboleed gacan-ku-rimis ah oo aan qummaati u sugnayn madaxweyne u ah, oo Dowladda Federaalku ay meesha keensatay, in uu sidan u dhaqmo nusqaantiisa hoggaamineed iyo siyaasadeed ayay xaqiiqdii daaha ka faydaysaa oo in il lagu hayo ay lagama maarmaan noqonayso. Sida taariikhda laga hayo meel xun iyo fashilaad ayuu aakhirka ku dambeyn doonaa.

    Sideeda ba, shirarkan Dhuusamareeb laga abaabulay waxay u muuqdaan dabin halis ah ee loo dhigay dowlad goboleedyada sugan iyo xataa dowladda federaalka qudheeda. Dadka siyaasadda udhuundaloola bayaan ayay ugu caddahay in ay shirarkani ahaayeen inqilaab farsameysan ee ay soo qabanqaabsadeen siyaasiyiinta dalladda HAG ku bahoobay. In taxadar dheeri ah laga galo ayaa inagu waajib ah.