Muqdisho:Duulimaadyada caalamiga Oo Dib U bilaabanaya

Published: July 31, 2020

Sii hayaha Wasiirka Wafaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),ayaa sheegay in iyadoo la khafiifinayo xayiradaaha dalka ee loo hakiyay xakameynta cudurka safmarka ee covid-19, dib loo furayo duulimaadyada caalamiga sedexda bisha soo socota si loo soo celiyo illaha dhaqaalaha maadaama saameyn ku yeeshey Cudurka.

Wasiirka ayaa xusay in maadaama uu dalka ka sii yaraanayo cudurka Covid-19,haddana weli loo baahan yahay in lala yimaado foojignaan dheere ah oo ku aadan la socodka qatarta cudurkaasi.

Dhinaca kale, Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in dib loo furi doonaa 15 bisha soo socota goobaha waxbarashada oo in muddo ah u xirnaa Cudurka halista ah ee Covid 19 ee saameeyay dunida.

Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulanka qamiislaha ee golaha ay ku yeesheen magaalada muqdisho ku ansixiyay qodoba dhowr ah ee uu ka mid ahaa in dib loo furi doono goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii bishii marso ee sanadkaan hakisay duulimaadyada caalamiga ah kaddib markii dalka laga helay kiisas cudurka covid-

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *