Qabashada Xilkii Raysalwasaaraha oo Gaarey Heer Dullaaleeyn ah!

Published: July 31, 2020

Waxaa magaalada Muqdisho weli ka socda xusul-duubka iyo orodka loogu jiro ciddii beddeli lahayd Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre. Qabashada xilkan ayaa waxaa ku hoos jiro shuruudo la doonaayo in ay fulaan, waxaana ilaa hadda si weyn loo baadi goobayaa sidii leebka iyo qaansada la isula heli lahaa, taas oo ah muddo kororsi Xildhibaanada baarlamaanka iyo Villa Somaliyaba ay raadinayaan.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka oo kala ah Mursal iyo Muudey ayaa dhankooda ka bilaabey in ay suuq geeyaan barnaamijkooda, waxaana Horseed Media ka heshey xog rasmi ah kulankii ay la qaateen madasha.

Mursal iyo Muudey ayaa ugu horreyn kulan la qaatey Madaxweyne Farmaajo waxaana ay u sheegeen in ay hal doon wada saaran yihiin, halka uu wax ka doonaayona aysan jirin, in uu iska iloobo Dowald goboleedyada ee lala heshiisyo mucaaradka ku sugan Muqdisho kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa sida rasmiga ah wax uga ciideyn kara, ayna ugu horreeyaan labadii Madaxweyne ee hore. Madaxweyne Farmaajo ayaa Mursal iyo Muudey u oggolaadey in ay heshiis iyo gorgortanba soo geli karaan.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka Mursal & Muudey ayaa xafiiskooda ugu tegey Madasha Xisbiyada Qaran oo ay kala hoggaaminayeen labadii Madaxweyne ee hore iyo weliba Siyaasiyiin kale, waxaana ay u soo badnhigeen Dowald midnimo qaran in la dhiso laba sanona dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin xisbiyo ku dhisan, arrintaas waxaa ka xanaaqey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo shirka isagaba baxay.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo markii hore la tuhmey aya isaguna maalintii shalay iska beri yeelay oo sheegay in aan dalkan loo horseedeyn wax sharci darro ah.

Ugu danbeyn madasha Xisbiya Qaran ayaa ku heshiiyey qofkii iskiis wax u raadsanayo in uu doonan karo laakiin aan magaca madasha heshiis lagu geli karin.

Siyaasi Cabdulqadir Cosoble Cali oo laba jeer oo hore u tartamey Madaxweyne, hoggaamiyana mid kamid ah Xisbiyada ayaa wararku sheegayaan in damac uga jiro xilka raysalwasaaraha uu qabto, waxaana caqabad ku ah sida uu isu waafajin karo waxa uu u ololeynaayey horey iyo mudada u harsan raysalwasaaraha cusub oo ah qorrax casar joogto. Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in sifooyinka Villa Somalia wax ku raadineyso aanu lahayn Cabdulqaadir Cali Cosoble, haddiiba loo magacaabi lahaa.

1da Agoosto iyo magaacidda raysalwasaaraha

Ilaa hadda ma muuqato in maalinta berri ah ee ku beegan 01da Agoosto lagu dhawaqayo Raysalwasaaraha cusub ee 4 bilood ee soosocota, waxaana dadka qaarkiis sheegayaan in Villa Somalia isku dayeyso in ay dareenka la qaybsato 1da Agoosto oo ah maalin Puntland u dabaaldegto asaaskeedi, sanadkii hore ayaa Villa Somalia isku daydey in ay sidaas oo kale dareenka ka soo jeediso dadka qaarkiis maalintaas waxaana ay daabaceen in Madaxweynuhu dib u celiyey baasaboorkiisi Maraykanka ahaa, taas oo dhacdey lix bilood ka hor, dadka qaarkood ayaa ku dooda soo dhaweynta, xiisaha iyo sugitaanka raysalwasaaraha cusub ayaa ah marka kowaad, waxaana tan xiisaha ka sii qaadaya xilliga la magacaabayo oo laga mashiiqsadey.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *